Dib U Dhac Ku Yimid Doorashada Aqalka Sare Ee Gobolada Waqooyi

0

Waxa dib udhac uu kuyimid doorasha xubnaha gobolada waqooyi oo lagu waday in ay todobaadkaan dhexdiisa bilaabato

War qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka senatorrada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa lagu shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid doorashada xubnaha Aqalka Sare oo lagu balansanaa in maanta oo isniin ah la dhageysto musharaxiinta khudbadahooda jeediyaan, si maalinka xiga ee 28-ka bisha ee talaadada ah  ay doorashadu u bilaabato.

“Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu.

Dib ayaan kasoo sheegi doonaa wakhtiga,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga.

Jadwalkii horay uga soo baxay guddigaan ayaa dhigayey in doorashadu ay bilaabaneyso maalinka Talaadada ah ee 28-ka bishan, lana soo gabagabeeyo 30-ka bishan September, balse waxay doorashadu hada dib u dhacday waqti aan la cayimin.

Su,aalo dhowr ah ayaa laiska weydiiyay waxa sababay dib u dhaca ku yimid doorashada aqalka sare ee Gobolada waqooyi

Waxaana la sheegay in  dib u dhacaan uu yimid kadib markii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu uyeeray ergada soo dooranaysa seneratada  Gobolada  waqooyi

Iyadoona madaxweynahu uu kulamo la qaatay xubnaha ugu sarsareya  ama sideeda xubnood ee ugu sareysa senetarada aqalka sare ee Somaliland

Wararka ayaana tilmaamaya in uu jiro khilaaf kasoo kala dhexgalay xubnahaani  iyo doorashadoodaba taas oo keentay in dib loo dhigo waqtiga ay bilaaban lahayd doorashadu

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here