Waxaana goordhaweyd oo saakay ah garoonka diyaaradaha aadan cade kasoo dagay la taliyaha madaxweynaha ee amniga qaranka fahad yaasiin xaaji daahir
La taliyaha madaxweynaha ee dhinaca amniga fahad ayaa maalmaka hor lagu xanibay garoonka diyaaradaha dalka jabuuti
Waxaana uu uga siisafray dhanka dalka turkiga iyadoona maanta si rasmi ah la xaqiijiayay in uu soo gaaray magaalada muqdisho ee caasiamada dalka
Imaatinka fahad yaasiin waxa xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada gobolka banaadir cali cabdi wardheere cali yare
Qoraal kooban oo uusoo saaray cali yare ayaa waxa uu ku sheegay in La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Fahad Yassin Xaaji Daahir uu goordhow ka soo dagay Garoonka Aden Abdulle ee Muqdisho ,La-Taliyaha waxaa keentay Dayuurad qaas ah.
Sidookale imaanshiyaha Fahad yaasiin ayaa waxa ay imaanaysaa xili uu baaqday shirkii amniga qaranka oo uu dhawaan iclaamiyay madaxweyne maxamed cabdulaahi farmaajo shirkaasi oo la filayay in lagu soo bandhigo kiiska ikraan tahaliil
Fahad yaasiin oo horey uu ahaa taliyaha nabad sugida ayaa dhawaan xilikiisii kuwaayay kiiska ikraam tahaliil faarax oo lagu tuhunsanyahay inay ku ma qantahay gacanta dowladda

