Waxaana maanta Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hirshabeele ka bilaabaneysa Doorashada Aqalka Sare Ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele
Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeele ayaa waxa ku tartamaya 27 musharax kuwaas oo laga doonayo in ay si rasmi ah uga soo baxaan 8 Mudane
Kuraasta qaar ayaa waxa kataagan loo lanka ugu adag iyadoona si aad ah laiskugu garbinayo oo musharaxiinta qaarkooda ay doonayaan in markale dib loo doorto halka kuwa ay yihiin kuwa ay u horleedahay
Doorashadaan ayaa waxa ay siisocondoonaa ilaa galinka dambe ee maaalinta khamiista ah iyadoona isha lagu wada hayo Doorashada iyo cida kusoo bixin karta maadaama ay musharaxiinta aad u badan yihiin
Amaanka Magaalada Jowhar oo ay maanta Doorashadu ka dhaceyso ayaa aad loo adkeeyay waxaana Heegan buuxa la galiyay ciidamada Dowladda iyo kuwa amisom si loo diyaariyo Goob amni ah oo Doorashada ay ka dhacda
Maamulka hirshabeele ayaa ka mid ah maamulka goboleedyada dalka oo ilaa iyo haatan aan doorashada aqalka sare guda galin
Waxaa la filayaa in maanta si rasmi ah daaha looga qaado doorashada islamarkaasna ay ku barataan qaar ka mid ah Musharixiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare Ee Maamulka Hirshabeele

