Warar lagu kalsoonan karo ayaa waxa ay sheegayaan in lagu guul dareystay wadahadaladii laiskugu soo dhaweynayay madaxweynaha iyo raiisul wasaare rooble
Saacadihii lasoo dhaafay waxa soconayay dadaalo kala duwan oo lagu dhexdhexaadinyo labada masuul kuwaasi oo ay hormuud u ahaayeen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada galmudug iyo koonfur galbeed
Waxaana la sheegay in madaxweynayaasha maamul goboleedyadu uu fashilmay islamarkaasna uu istaagay
Wali rajadu maxuma oo waaxa la qorsheynayaa in Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Wasaare Rooble si rasmi ah laisku soo hor fariisiyo si ay uga wada hadlaan khilaafka ka dhax aloolsan
khilaafkaan ayaa waxa uu salka ku haya muran ka dhashay kiiska ikraan tahaliil oo aheyd sarkaal ka tirsan hay,ada nabad sugida soomaaliya oo dowladdu sheegtay in la dilay
labada dhinac ee madaxweyne farnaajo iyo Rooble ayaa waxa ay ku kala adkeysteen Go,aanada khilaafku ka dhashay oo ay ku kala taagnaayeen
Ra’iisul Wasaare rooble ayaa diiday in uu ka laabto go,aankii uu ku magcaabay taliye goobe iyo in amniga qaran guud uu masuul ka yahay Madaxweyne farmaajo
Khilaafka labada masuul ayaa mar marba ka kasii dambeeysa sii xoogeysanaya ,waxaana haatan lagu guuldareystay talaabadii ugu horeysay ee loo qaaday in lagu soo afjaro khilaafka soo kala dhexgalay madaxada ugu sareysa dalka
Walaaac ugu weyn ee laqabo ayaa ah in khilaafkaan uu caqad ku noqonkaro doorshada dalka ka dhacaysa
