Dowladda Oo Ku Dhawaaqday Waqtiga La Qabanayo Doorashada Aqalka Sare Ee Gobolada Waqooyi

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay qabashada doorashada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare,Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddiga Doorashooyinka Somaliland, kulankaas oo uu sidoo kale ka qeyb galo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Dhawaan ayay ahayd markii ay heshiis wada jir ah ay ka gaareen  guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka kaas oo lagu soo afjaray is afgaran waagi ka tagna arrimah doorashada gobollada waqooyi

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo Guddooomiyaha aqalka sare oo si wada jir ah warbaahinta ula hadalay ayaa waxa ay sheegeen in gabi,ahaanba uusan jirin wax khilaaf ah, islamarkaasna heshiis laga gaaray

Waxaana ay isla qireen in dhawaan ay soo bsaari doonan musharaxiinta utartameysa kuraasta gobolada waqooyi ee aqalka sare

Dowladda soomaaliya ayaa ugu ku dhawaaqday waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorshada aqalka sare ee gobolada waqooyi

Waxaana ay shaacisay in maalinta sabtida ah ee todobaadka soo socda la qabanayo doorashada aqalka sare ee xubnaha gobolada waqooyi oo wan ka heshiiyay xiisad ka dhex aloolsanayd

arinta gobolada waqooyi ayaa waxa ay kamid aheyd khliaafka ugu waaweyn ee ku hor gudbanaa doorshada dalka ka dhacysa iyadoona haatan ugu dambeyn is afgarad laga gaaray

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here