Puntland Oo Taageertay Talaabooyinkii Uu Qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble

0
Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee puntland ayaa ka mid noqotay maamul goboleedyada dalka kuwaasi oo taageeray Go,aankii uu raiisul wasaare rooble xilka uga qaaday Fahad yaasiin
War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada puntland ayaa waxa lagu yiri
Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaaraha XFS doorkiisa hoggaamineed ee Dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga Qaranka, hirgelinta doorashada iyo hogaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka.
Dowladda Puntland waxay kaloo boggaadinaysaa, soona dhaweynaysaa dadaalka Ra’iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda Dastuuriga ah.
Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa go’aanka Ra’iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan Dastuurka Dalka.
Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dhammaan inta ay quseyso in la illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, lana dhawro ku dhaqanka Dastuurka ku meel gaarka ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here