Warar dheeraad ah ayaa laga helayaan Dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose .
Dagaalkaan ayaa waxa ay wararku sheegayaan in uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka bariire ee gobolka shbeelaha hoose
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa idaacada simba u sheegay in ay maqlayeen daryanka rasaas ay isweydaarsanayeen ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsan al-shabaab
Waxaana ay sheegeen in aysan si rasmi ah uxaqiijin karin qasaaraha ka dhahsay dagaalkaan
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaan waxaana ay sheegeen in qasaaro xoogleh ay ku gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-shabaab
Wararka ayaa intaasi ku daraya in hada ciidamada dowladdu ay wadaan dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay amaanka ku xaqiijinayaan

