Xiisad Dagaal Oo Ka Taagan Degmada Doolow

0

Wararka aan ka helayno Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in maantay Xiisad dagaal oo udhexeysa Ciidamo taabacsan Wasiirkii hore amina jubbaland Cabdirashiid janan iyo Ciidamada nabad sugida gobolka gedo

Ciidamada cabdirashiid janaan ayaa lagu soo waramayaa in ay la wareegeen Dhaqdhaqaaq Magaalada Doolow

Wararka ayaa sheegay in Ciidamo kala duwan oo tirsan Dowladda oo qaarkood ay  kasoo baxeen  Degmada balad xaawo ay gaareen Degmada Dolow iyadoona haatan laga qabsi qabo in dagaal uu halkaasi ka qarxo

Isku socoda magaalada ayaa hakad galay iyadoona doolow saakay ay ka jirto xiisad laga baqdin qabo in ay sababto dagaal ay taagantahay

Masuuliyiin ka tirsan gobolka Gedo oo idacaada simba ay la xariirtay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan xiisada maanta ka taagan gobolka gedo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here