MW Farmaajo iyo RW Rooble Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Guddoomihii Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka

0

 

Alle ha u naxariisto waxaa xalay isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Guddoomiyihii guddiga xalinta Khilaafaadka doorashooyinka heer federaal Cabdulaahi Abyan Nuur.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Marxuumku uu u soo adeegay dalkiisa iyo dadkiisa, isaga oo soo noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal oo uu hadda hayay.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo muddo u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed. Geerida ku timid waa mid murugo leh oo taabatay qalbiyadeenna, waxaanna uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Dhankale

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Tacsi udiray qoyskii, asxaabtii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ka baxay Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo caawa muqdisho ku geeriyooday.

“Naxariistii Janno Allaha siiyo Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee Dalka marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo Muqdisho ku geeriyooday.

Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here