Warkasoo Baxay Dowladda Warbaahinta ayaa waxaa lagu sheegay in Idiris Cabdullahi Macalin ,Magaciisa Afgarashada Al-shabab uu yahay (Food Cade ) oo Mudo 7-Sano ka Tirsanaa Al-shabab in uu Maanta isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qeybta 60-Aad ee Magaalada Baydhabo.
Food cade Wuxuu Al-shabab u qaabilsanaa ilaalinta Xabsiyada ,isagoona sidoo kale kasoo qeyb qaatey Dagaalo Dhowr ah Waxaana warka Dowladda Lagu Sheegay in Dagaalamayaasha Al-shabab kaga soo goostey Degmada Xarardheer oo ka tirsan gobolka Mudug.
Idiris ayaa sidoo kale Saaxibadiisa Weli ku jira Al-shabab ugu Baaqey in ay Dowladda isku soo dhiibaan isagoona sheegey in Al-shabaab ay Yihiin kuwa ma naxayaal ayaa lagu warka soo baxay Dowladda
Horay Dowladda ayaa sidaan oo kale ushaacisay xubno ka tirsan alshabaab oo ay sheegtay in ay isku soo dhiibeen
Majirto Wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo looga hadlayo sheegtay Dowladda

