Raiisul wasaaraha xukuumada Xil gaarsiinta maxamed xuseen rooble ayaa waxa uu si kulul uga hadlay arinta ku saabsan in siyaasiyiin doonayay in ay ka safraan garoomada diyaaradaha dalka lagu sameeyo ishor istaag
Waxaana uu sheegay in arintaasi ay tahay mid aan la aqbali karin islamarkaasna hadaan wixi ka bilowday aysan jiri doonin in muwaadin soomaaliyeed laga celiyo safar uu xaqdastuuri ah u leeyahay
Raiisul wasaare rooble ayaa waxa uu wacad kumaray in talaabo uu ka qaadidoono cidii lagu helo in ay celinayso siyaasiyiinta soomaaliyeed kuwaasi oo doonaya in gobolada dalka ay usoo bandhigtaan olalahooda doorashada
raiisul wasaaraha ayaa sheegay in ay ubaahanyihiin in ay qabtaan doorasho xor iyo xalal ah taasina ay ku dhinici karto in qof walba xoriyadiisa lasii oo uu tago deegaan doorashadiisa
Dhanklae raiisul wasaare rooble ayaa waxa ka hadlay arinta xildhibaanada gobolada waqooyi ,waxaana uu sheegay in haatan ay wadaan la tashiyo kala duwan oo uu la sameeynayo xildhibaanada iyo siyaasiyiinta gobolada waqooyin
waxaana uu xusay in haatan ay meel wanaagsan u marayso dhawaana uu soo gabgaboobmi doono islamarkaasna waxa uu sheegay in khilaafka jira ay xalwaara ka gaarayaan

