Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed qeybta 21-aad ayaa hawlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ka wada deegaamada dhaca Koonfurta gobolka Mudug.
Ciidanka milatariga soomaaliya iyo daraawiishta Galmudug ayaa u ruuqansaday Dhanka degaanka Camaara ee gobolka Mudug oo 7km u jirta degaanka Bacaadweyn.
Magaalada Bacaadweyn iyo Tuulooyinka ku hareeraysan ayaa gabi ahaanba waxa ka soconayay daaglo udhexeya Al-shabaab iyo ciidamada dowladda , waxaana jirta in ay inta badan hawlgalo ay wada jir u fulinaya Ciidanka Xoogga iyo Ciidanka Daraawiishta Galmudug.

