Gabar Dhalinyaro Ah Oo Kufsi Iyo Dil loogu Geeystay Magaalada Hargeeysa

0

Warar dheeraad ah ayaavkasoo baxaya kufsi iyo dil ka dhacay gudaha magaalada hargeysa ee caasimada maamulka soomaaliland

Wararka ayaa sheegaya in kufsi iyo dilkaasiba laiskugu daray gabar dhaliyaro ah oo kamid aheyd dhaliyarada magalaada

Waxaa la tilmaamay in falkaasi ay geeysteen  laba nin kuwaas oo baxsaday falkaasi kadib

Wararka aannu helayno ayaa sheegaya in gabadha la kufsaday misna la dilay lagu magacaabo hinda cumar

Waxaana dhibaatadaasi la xaqiijiyay in ay ugeeysteen nin darawalka ahaa gaari ay dad weynuhu raacaan ee baska

Qoyska gabadha la kufsaday ayaa waxa ay sheegeen in lagu soo wargaliayay in gabadhoodi ay dhimatay islamarkaasna ay isbitaalka taado

Intaasi kadib ay dhaqaatiirtu u xaqiijiyeen baaritaanadii ay sameeyeen kaasi oo ay ku ogadeen in gabadha la kufsaday misna la dilay

Qoyska inda ayaa maamulka soomaaliland ka dalbaday in cadaalada loomarsiiyo dadka falakaasi arxandarada ah kula kacay gabdhooda

Ciidamada booliska maamulka soomaaliland ayaa waxa ay haatan wadaan baaritaano iyo howlgalo kala duwan oo ay ku baadigoobayaan ragii falkaasi kadambeeyay

Waxaana ay sheegeen mar hadii ay gacanta kusoo dhigaan in ay cadaalada horgeyn doonan si ciqaabtooda loo mariyo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here