Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Soo Gaaray Muqdisho

0
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho dib igu soo laabtay ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarrey ee dowlad-goboleedka Jubaland.
Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Jubaland ayaa diiradda saarayay arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, xoojinta amniga iyo fulinta mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada.
Raiisul wasaare rooble ayaa safar shaqo ugu maqnaa magaalooyinka kismaayo iyo garbahaarey halkaasi oo uu raiisul wasaaruhu utagay xalinta tabashooyin ay qabeen dad shacabka ah ee ku dhaqan gobolka gedo
Wararka ayaana sheegaya in raiisul wasaare rooble iyo dad reer gedo ay gaareen si fahan ku saabsan arimaha doorashooyinka iyo qaabka ay u dhacayaan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here