Taliska Ciidanka booliska ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in how;lgalo qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaagay ka dahacay magaalada muqdisho ay kusoo qabteen kooxo burcad ah oo dhac ka waday xaafadaha magaalada muqdisho
Howlgaladaan ayaa waxa ay si gaar ah ciidanka booolisku uga fuliyeen xaafado ka tirsan degmada kaaraan ee gobolkani banaadir
Taliska ciidanka booliska ayaa sheegay in howlagalkaani uu yimid kadib markii ay cabasho xoogan dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada kaaraan ay u gudbiyeen mamaulka degmada islamarkaasina ay taasi keentay ciidanka booliska oo kaahsnaaya maamulka degmadu uu ku dhaqaaqo howlgalkani
Waxaana howlgalkaan la sheegay in lagu soo qabtan laba nin la sheegay in ay hubeysnaayeen islamarkaasna ay dhac ka geysanayeen xaafadaha degmadaasi kaaraan
Maamulka degmada iyo taliska ciidanaka oo warbaahinta usoo bandhigay burcadaan lasoo qabtay ayaa waxa ay sheegeen in howlgalo ay ciidanka boolisku sameeyeen ay kusoo qabteen laba nin oo watay qori AK47 ah iyo mooto bajaj kuwaasi oo dadka shacab ah ka dhacayay boobilada iyo aggabyada kala ee ay wataan
Sidookale maamulka degmada kaaraan ayaa sheegay in howlgalkaan ay ksuoo qabteen haweeyeen ilmo yar kasoo xaday degmada jowhar ee gobolka shabeelaha dhexe
Maamulka degmada ayaana intaasi kudaray in eedeeysanayaashaan ay u gudbinayaan ha,ada Baarista dambiya ee Cid iyagoona dhankale ka codsaday dad shacabka ah in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka
Tani ayaa imaaneysa xili ciidamada booliska ay mudooyinkii dambe soo bandhigayeen kooxo burcad ah oo gacnta lagu dhigay iyagoo dhac ka geysanaya qeybo kamid ah gobolka banaadir oo ay ku jirto degmada kaaraan






