maamulka puntland ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in qaxootigii ugu badnaa ay xalay soo gaareen magaalada boosaaaso kuwaasi oo ka yimid dalka yeman
Wasaarada arimaha guddaha maamulka puntland ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in magaalada boosaaso ay kusoo dhaweeyeen qoysas qaxooti ah oo ay soomaali ku jiraan kuwaas oo dalka kusoo laabtay kana soo cararay colaada sokeeye ee ka jirta dalka yeman
qoysaskaan oo tiro ahaan gaarayay ilaa iyo 80 qoys ayaa waxa ay u badnaayeen yamaniyiin ,waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanada puntland gaar ahaana xrunta qaabilaada qaxootiga ee magaalada boosaaso
waxaana la sheegay in dadkaan qaxootiga ah ay yihiin kuwo ubadan caruur iyo habeen
masuuliyiin ka tirsan maamulka puntland ayaa shaaca ka qaadan in dadkaan qaxootiga ah ayaa usameynayaan meelo ay dagaan islamrkaasna ay inta ka raankooda ah ka caawil doonan wax walba oo ay ubaahdaan
maamulka puntland ayaa horay u qaabilay dhowr jeer dad badan oo qaxooti ah kuwaasi oo kasoo cararay dagaalo sokeeye oo ka jira dalkooda islamarkaasna si ay goob nabad u helaanusoo gaaray dalka
waxaana inta badan dadkaan qaxootiga ah ay ka yimaadaan dalaalka yaman iyo suuriya oo ay ka jiraan dagaalo aan loo meel dayin

