Iyadoo guddiga xaqiijinta ee uu dhawaan magacaabay raiisul wasaare rooble ay saacada ka hor ku dhawaaqeen in 34 xubnood laga saaray ayaa waxa ay midowga musharaxiinta xubno ka mid ah ay dhaliileen qaabkii loo maray xubnahaas la saaaray iyo in wali ay jiraan ciidamo ka tirsan oo ku jira guddiga doorashooyinka
Cabdiraxmaan cabdishakuur warsame oo ka mid xubnaha midowga musharaxiinta ayaa waxa uu sheegay in guddiga doorashooyinka ay wali ku jiraan Xubno ka tirsan Hay,ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee Nisa
Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay. Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay.
Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta. Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha.
Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan. Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay.”
Hadlkaan ayaa waxa uu imaanayaa xili Guddiga doorashooyinka laga keenay cabashooyin farabadan oo ku aadan in ay ku jiraan shaqaale dowladeed iyo ciidamo ka tirsan Nisa
Waxaana xubnaha midowga musharaxiintu ay gudbiyeen 67 xubnood oo ay cabasho ka qabaan kuwaas oo 34 ka mid ah la saaray

