Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaano dhinaca Bari ka xiga magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.
Dagaal oo xooganaa ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in lagu diley qaar ka mid ah ciidamada dowlada oo uu ka mid ahaa taliyihii ururka lixaad ee ciidamada Gorgor Maxamed Cabdiwaaxid,kaasi oo dalka dhawaan dib ugu soo laabtay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay geeridda Taliyaha, iyo askarta Dowladda.

