Ciidanka sida gaarka ah utababaran Kumandooska xooga dalka ee danab, ayaa hawlgal Qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha hoose
Ciimadamada dowladda ee danab ayaa waxa ay howlgakaan si gaar ah uga sameeyeen deegaanka yaaq bariweyne ee Gobalka shabeelaha hoose.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee howlgaladaan hogaaminayay ayaa waxa ay howlgalkaan u jeed kiisa ku sheegeen in uu ahaa xaqiijinta Amaanka degaankaan ka dib markii ciidamada dowladdu ay ka warheleen in xubno ka tirsan dagaalamayaasha alshabaab ay Yimaadeen Aaggaas.
Ciidanka kumandoosku Danab ayaa Baarintaan ka sameeyeen xaafadaha deegankaasi Uu ka kooban yahay, waxaa la tilmaamay in ay guri guri ay ciidanku baaritaanka usameenayeen
inta badan ciidamada dowladda ayaa howlgalo amniga la xariira waxa ay ka sameeyaan deegaanada dhaca gobolka shabeelaha hoose iyadoona dhowr jeer guulo ka sheegtay howlgaladaasi ismarkaasna sheegay in ay ku dileen xubno ka tirsanaa dagaalamayaasha al-shabaab

