maamulka gobolka hiiraan ayaa waxa uu ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaal udhexeya laba beeleed oo wadaga deegaan ka tirsan gobolka hiiraan
waxaana maamulku uu amray in ciidamo la kala dhaxdhigiyo beelaha ku dagaalamaya deegaanka harcadeey oo qiyaaystii 6 km u jira magaalada baladweyne eee xarunta gobolka hiiraan
Dagaalka beelahaan ayaa ilaa iyo haatan socda iydaoona la tilmaamay in qasaare kala duwan uu dhaliyay dagaalkaasi.
Gudoomiyaha Gobo0lka Hiiraan Cali jeeyte cusmaan ayaa waxa uu laamaha ajmniga gobolka hiiraan faray in si degdeg ah ay ku joojiyaan colaada beelaha walaalaha ah ee ka socota deegaanka harcadeey
waxaana la sheegay in durbadii laamaha amniga gobolka hiiraan ay kulamo arintaasi ku saabsan bilaabeen islamarkaasna ay wadaan qorshe ay ciidamo ku dhaxdhigayaan beelaha si loo soo afjaro dhiga macnadarada ah oo ay iskadaadinayaan labada beelood
sidookale waxa la fahansanyahay in laamaha amniga iyo maamulka gobolku ay rabaan in intaasi kadib ay iskugu yeeraan odayaasha dhaqan ee labada beelood dagaalka looga heshiiyo
inta badan deegaanada dhaca gobolka hiiraan waxa kusoo laablaabta dagaalada beelaha wada daga halkaasi oo isku heysta dhul daaqsimeed iyo ceelal biyoodyo

