Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa go’aanka baarlamaanka Federaalka ee dib loogu soo celiyey heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebteembar, kadib codsiga madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Qaramada Midoobay waxa ay ugu baaqeysaa madaxda Soomaalida in ay dib ugu laabtaan wadahadalka oo ay u diyaar-garoobaan doorashooyinka dib u dhac la’aan; iyadoo la soo dhoweynayo doorka hoggaamineed ee Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo matalaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Xildhibaanada golaha shacabka ayaa shalay gacantaag ah ugu codeeyay in dib loogu laabto heshiiskii 17 september iyo in dib loogu laabto doorasho dadban oo dalka ka dhacda

