Rag Hubeysan Oo Askari Ka Tirsan Dowladda Ku Dilay Muqdisho

0

Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya askari ka tirsan ciidamada dowladda oo maanta lagu dilay gudaha magaalada muqdisho.

Kooxo bastoolada ku hubeysan ayaa waxa lagu soo waramayaan in maanta ay askari ka tirsan ciidanka dowladda gaar ahaana kuwa canshuiraha qaado ee manashiibiyada looyaqaan ku dileen xaafada suuq boocle ee degmada dharkenley.

Waxaana la sheegay in dilka kadib ay goobta iskaga baxsadeen Falkaasi ka dambeeyay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa durba gaar halka uu dilku ka dhacay
Waxaana halkaasi ay muddo kooban ka sameeyeen baaritaano kala duwan oo ay ku baadi goobayaan ragii dilka askariga ka dambeeyay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo looga hadlayo dilkaasi maanta ka dhacay muqdisho.

Inta badan dilalka nucaani oo kale ah ayaa waxa askarta dowladda loogu geeystaa guadaha caasimada .
Waxaana inta badan dhabarka u rita masuuliyada dilalka loo geysto ciidan dowladda sheegta al-shabaab .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here