Maanta Oo Khamiis ah ayaa waxa la filayaa in kulan ay yeeshaan midowga musharaxiinta iyo Xukuumada Soomaaliya
Kulankaan ayaa waxa ay wararku sheegayaan in Raiisul wasaare rooble iyo Midowga musharaxiinta ay markale isku arkayaan,Waxaana lagu wadaa in looga wada hadlo arimo dhowr ah oo ku saabsan mudaharaadyada ay iclaamiyeen midowga musharaxiinta islamrkaasna ay ogolaatay Xukuumadu
Maalinta sabtida ah ee soo socota ayaa waxa lagu wadaa in fagaaraha daljir daahsoon uu ka dhaco bananbaxyo ay hogaaminayaan midowga musharaxiinta Bananbaxaaas oo ay amaankeeda sugeyso dowladda
Waxaana lagu wadaa in kulan ay maanta yeelanayaan midowga musharaxiinta iyo xukuumada in looga hadlo sidii bananbaxaasi uu ku dhici lahaa si amaan ah islamrkaasna loo dardar galin lahaa.
Raiisul wasaare rooble iyo midowga musharaxiinta ayaa heshiiys taariiqi ah gaaray iyagoona haatan wada kulamo heshiikaas lagu dhaqan galinayo
Dhankale waxaa xusid mudan in xubno ka mid ah midowga musharaxiinta ay ka digeen in dowladdu ay isku daydo in ay carqaladeyso oo ay baajiso bananbaxaya nabadeed oo la iclaamiyay

