Rag Hubeysan Oo Wiil Dhalinyaro Ah Ku Dilay Magalaada baladweyne

0

warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya wiil dhalinyaro ah Oo  xalay dil loogu geeystay magaalada baladweyne ee xaunta gobolka hiiraan.

Dilkaan ayaa waxaa la sheegay in ay geysteen kooxa hubeysan oo bur cad ah kuwaas oo si la tilmaamay  doonayay in ay dhac ugeyystaan marxuunka.

waxaana la sheegay in raga dilka geeystay ay ahaayeen burcad ku hubeysaan tooreey ama midiyo islamarkaasna rabay in ay wiilka ay ka furtaan agabyada iyo waxa uu wato .

wiilka la dilay ayaa waxa magaciisa lagu sheegay  Shakuur Maxamed Beyle oo ka mid ahaa dhalinyarada  magaalada baladweyne.

ilo deegaanka ah ayaa waxa ay sheegeen in wiilka oo dada maraya ay rag mooto bajaaj saaran uga soo dageen islamrkaasna ay wiilka ku amreen  in uu mobilkiisa uu dhiibo balse uu diiday taasna ay keentay in raga oo toorey watay ay ku dhiftaan halkaasna uu dhaawac culus kusoo gaaray wiilka

intaasna kadib waxa la sheegay in wiilkaan loola cararay isbitaal dhaawicii soo gaarayna uu markii dambe u geeriyooday

kooxdii burcada aheyd ee ka dambeeysay dilka  wiilkaan dhaliyarada ah ayaa waxa la sheegay in dilka ka dib ay goobta iskaga baxasadeen

xiliyada habeen kii ah ayaa gudaha magaalada baladweyne iyo deegaanada hooyimada waxa ka dhaca dilal ay geeystaan rag hubeysan oo doonaya in dhac ay geeystaan kuwaas oo dadka shacab ka ah ka furta mobilada iyo lacag wixii ay wataan markaasi.

maamulka iyo saraakiisha gobolka hiiraan ayaa dhowr jeer oo hore iyagu sheegay in aysan aqbali doonin falal amnidaro ah ay ka dhacaan gobolka islamarkaasna ay gacanta kusoo dhiyaan cida falkaasi ku kacda cadaaladana ay horgeyn doonan.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here