Puntland Oo Soo Jeedisay In Shirka Arimaha Doorashada Lagu Qabto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

0
Maamulka puntland ayaa warkasoo saaray shirka dhawaan uu madaxweyne  farmaajo iskugu yeeray madaxda dowladda kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka banaadir
puntland ayaa waxa ay sheegtay in shirka ay diyaar u tahay oo ay ka qeyb galeyso balse loo baahanyahay in lagu qabto garoonka diyaaradaha muqdosho
war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada puntland ayaa u qornaa sidatan
Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muujinaysaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Barlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Puntland waxay u aragtaa dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay.
Sidoo kale, Dowlad Goboleedka  Puntland waxay cadeynaysaa inay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020.
Dowlad Goboleedka Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka. Dowladda Puntland waxay Wakiilada Beesha Caalamka uga mahad celinaysaa dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here