Weerar Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan

0

wararka aan ka helayno  gobolka hiiraan ayaa waxa ay kusoo waramayaan in weerar qasaaro kala duwan geeystay uu ka dhacay magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

wararka ayaa sheegayaan in weerarkaani  uu yimid kadib markii kooxa hubeysan ay weerar loo adeegsaday bamba gacmeed la sheegay in ay ku qaadeen barkoontrool oo ciidamada dowladdu ay ku lahaayeen magaalada baladweyne

waxaana la soo sheegayaan in weerarka kadib ciidamada dowladda ee bamka lagu tuuray ay rasas ooda ka rogeen lamana xaqiijin wali qasaraha ka dhashay rasastaasi.

warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qasaaraha ka dhashay weerarkaani waxaana la sheegay in qaasaraha ugu badan uu soo gaaray dad shacab ah oo wadada marayay.

ilaa iyo sadax qofood oo shacab ah ayaa lagu soo waramayaan in ay ku dhaawacmeen weerarka bam gacmeedka ah ee saacadiihii lasoo dhaafay lagu qaaday ciidamada dowladda ee ku sugnaa barkoontarool oo ku taal magalada baladweye  ee gobolka hiiraan .

waxaana wararku ay sheegayaan in dadka shacabka ah ee waxyeeladu ka soo gaartay weerarka loola cararay isbitaalada waaweyn ee ku yaal gudaha magaalada balaweyne

weerrakaasi ciidamada dowladda ayaa howlgalo balaaran oo amniga lagu xaqiijinayo ka bilaabay magaalada baladweyne ,lamana sheegin wax dad ah oo ciidanka dowladdu ay soo qabqabteen balse waxa la sheegay in howlgalkaan uu la xariiro weerarkii ka dhacay magaalada baldweyne

majirto cid ilaa iyo hada sheegatay masuuliyada weerarkaani ,taliska ciidanka dowladda iyo maamulka hirshabeelana wax faahfaahin ah kama bixin weerarkaasi qasaaraha ka dhashay

inta badan goobaha ciidamada dowladda gaar ahaan saldhigyada iyo barahakoontarool ee magaalada baladweye ayaa waxa xiliyada habeenkii ah lagu qaadaa weeraro kuwaas oo qasaaro kala duwan dhaliya islamrkaasna ay ku jiraan dadka uu qasaaruhu kasoo gaaro  shacab aan waxba galabsan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here