Faahfaahino :- Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Lagu Dilay Shabeelaha Hoose

0

wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saacadihii aan soo dhaafnay askari ka tirsanaa ciidamada dowlada lagu dilay gudaha degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose

Kooxa hubeysan ayaa waxaa lasoo sheegayaa in ay dileen askari katirsana ciidaqmada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka iyoona la sheegay in dilka kadib ay goobta iskaga baxsadeen kooxdii dilka ka dambeeysay.

wararka ayaa sheegaya in askariga la dilay lagu magacabijiray yuusuf madhoko oo si la tilmaamay ahaa ciidanka dharcada dowladda.

al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilka askarigaan la sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada nabad sugida dowladda,waxaana wararka al-shabaab ay ku baahiyaan barahooda interneetka ay ku sheegteen in ay ku dileen askari dharcad ah oo ka tirsanaa ciidamada dowladda kaasi oo ay sheegeen in uu jaajuusayay.

al-shabaab ayaa sheegay in howlgalo balaaran oo ay sameeyeen dagaalamayaal ka tirsan ay ku dileen askarigaasi dhacad ka ah gudaha degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose

inta badan dagaalamayaasha al-shabaab ay weeraro qorsheysan la beegsada ciidamada iyo masuuliyiinta dowladda iyagoona dhowr jeer oo hore guulo kaga sheegtay qarxyo iyo toogasho loo geeystay ciidanka dowladda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here