wararka aan ka helayno Gobolka hiiraan ayaa waxa ay soo sheegayaan in maanta bananbaxyo balaaran oo lagu taageerayo madaxweynaha waqtigiiisu dhamaaday ee maxamed cabdualhi farmaajo uu ka dhacay gudaha magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.
banan baxaan ayaa waxa la sheegay in ay hogaaminayeen ciidamada haramcad oo dhawaan ay dowladdu geeysay magaalada baladweyne, iyadoona la sheegay in ay bananbaxa qeyb ka ahaayeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan baladweyne .
wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in bananbaxa ay soo qabanqaabiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka hiiraan, waxaana la sheegay in dadka bananbaxa dhigayay ay muujiyeen sida ay u tageersanyihiin madaxweyne maxamed cabdulahi farmaajo.
sidookale dadka bananbaxayay ayaa watay boorar waaweyne oo ay ku xardhanyihiin erayo ay ku taageerayaan madaxweynaha dalka ,iyadoona ay ka mid ahaayeen erayadaasi in madaxweyne farmaajo uu yahay rajada shacabka soomaaliyeed.
siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxa ay sheegeen in madaxweyne farmaajo oo waqtigiisu dhamaaday uu ciidanka qaranka uu u adeegsanayo olalihiisa doorashada islamrkaasna waxa ay ku tilmaameen intaasi ay baal marsantahay sharciga iyo dastuurka uyaal qaranka soomaaliyeed.
Xaalada magaalada baladweyne ayaa mudooyinkii dambe kacsanayd kadib ,markii dadka reer hiiraan ay kasoo horjeesteen maamulka cusub ee uu yeeshay hirshabeele kaasi oo ay tilmaameen in doorashada uu maamulku ku yimid aysan si xaq ah udhicin.

