Sarkaal Ka Tirsanaa Gobolka Banadir oo Caawa Lagu Dilay Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Wiil dhalinyaro ahaa oo caawa lagu Dilay agagaarka taaladda Daljirka Dahsoon Degmadda Boondheere ee Magaaladda Muqdisho.

Wiilka la dilay ayaa lagu magcaabi jrey Abkoow Cambuure, waxana la sheegay in uu kamid ahaa Saraakiisha Maamulka Gobolka banaadir.

Ciidamadda Waran ee ka tirsan Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka loo geystay Sarkaalka.

Allaha u naxariistee Abkoow Cambuure ayaa si dhow ula soo shaqeeyay Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho, Enjineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here