Qaramadda Midoobay ayaa si kulul u cambeereysay iska hor imaadyadii xalay ilaa saakay ka dhacayay magaaladda Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Qaramadda Midoobay ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay wax ka dhacaya magaaladda Muqdisho.
Sidoo kale Qaramadda Midoobay ayaa ku baaqday in wada-hadal isugu yimaadaan Madaxda Dowladda Dhexe, Mamaul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhaca xalay iyo saakay oo jimco ah, waxa ayna ugu baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha.
Waxa ay muujinayaan isku dhacyada ka dhacay caasimadda sida loogu baahan yahay in degdeg loogu qabto kulan ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta qaabkii doorasho ee 17-kii Sebteembar.

