Ciidamada Dowladda Oo Qabtay Gaari Qaraxyo Ka Buuxaan

0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gaari Hoomey ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa.
Howlgalkaan lagu soo qabtay gaariga hoomeyga ah ee lagu soo raray walxaha qaraxa ayaa laga fuliye tuulada Cad Cadeey ee Degmada Afgooye gobolka Shabellaha Hoose

warkasoo baxay dowladda ayaa waxa lagu sheegay in Gaarigaan Hoomeyga ah uu ahaa mid in mudo ah lagu diyaarinayay walaxa qaraxa waxaana la sheegay in dagaalamayaasha Al-shabaab ay rabeen in ay ku weeraraan Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalooyinka Muqdisho iyo labada Shabelle.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay gaariga ciidamada ay howlgalka ku qabteen uu ahaa gaari Hoomey ah Isla Markaana lagu diyaariye walxaha qaraxa.

Saraakiisha Danab waxa ay sidoo kale sheegeen in gaariga Hoomeyga ah ee lagu diyaariye walaxa qarxa Al-Shabaab doonayeen in ay ku dhibaateyaan shacabka ku dhaqan gobolada Banaadir iyo labada shabelle.

Ugu dambeyntii Saraakiisha Danab waxa ay sheegeen in Xogta gaariga qaraxyada lagu diyaariye ay soo gudbiyeen shacabka ku dhaqan Tuulada Cad Cadeey ee degmada Afgooye

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here