Maamulka Jubbaland ayaa cadeeyay mowqifkooda ku aadan doorashada dalka ka dhaceysa horaanta sanadkaan waxaana ay sheegeen in ka qeyb galkooda ay ku celiyeen in hal shuruud ay ku xirantahay islamrkaasna shuruudaaas iyadoona aan loo fulin aysan doorashada qeyb ka noqon doonin.
Warsiirka wasaarada warfaafinta mamaulka jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo ka qeyb galayay baraamijka dooda ee laanta afsoomaaliga ee BBCda ayaa waxa uu sheegay in mamaulka jubbaland hadii aan gobolka gedo lagu wareejin aysan qeyb ka aheyn arimaha doorashooyinka dalka
Wasiirka ayaa waxa uu ku celiyay in maamulka jubbaland aysan diyaar u aheyn doorashada dalka ka qeyb qaadashadeeda hadii aan loo fulin shuruufdooda ah in gobolka gedo ay dowladdu ku wareejiso
“Xaq waxaan u leenahay oo September 17 lagu gooyay in aan annagu mas’uul ka nahay doorashada qeybta ka dhaceysa Jubaland.
Madaxweynaheennu mas’uul kama noqon karo meel uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qabsaday, oo xitaa intaan u tanaasulnay aan dhahnay Gedo inteeda kale dib u heshiisiinta dambe ha gasho ee Garbahaareey aan guddoomiyihii iyo 100 wiil oo boolis ah keenno, oo uu diiday, oo ay dheheen ka tanaasula, oo uu subixii dambena soo duulay, markaasaad leedihiin dalka yaan caqabad la gelinin,” ayuu yidhi Wasiirka warfaafinta Jubaland, oo u hadlayay si caro leh.
Wuxuu intaas kusii daray: “Annagu waxaan taagan nahay… haddaan idiin sheegayaa, Gedo oo Complete ah (dhameystiran) oo aan lasoo celinin, wax doorasho ah oo ay jubaland galeyso ma jirto. Haddaan idiin sheegayaa, waa go’aanka aan leenahay, 60 maalmood gudahood haddii aan lagaga qaadin ciidamada oo aanan maamulka Juabaland gacantooda lagu soo celinin wax doorasho ah oo aan galeyno ma jirto.”
Maamulka jubbaland ayaa horay madaxda dowladda kaga dalbaday in lagu wareejiyo gobolka gedo oo dowladdu ay ciidamo geeysay balse madaxda dowlada ayaa arinkaasi diiday
Waxaana xusid mudan in shirkii dhuusamareeb afar uu ku fashilmay arinta la xariirta gobolka gedo
Madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ayaa u balansan shirar looga hadlayo arimaha doorashiiyinka
Warkasoo yeeray maamulka jubbaland ayaa waxa aysiyaasiyiintu sheegayaan in mugdi aysii galinayso in laga heshiiyo arimaha doorashooyinka.

