Warar ka imaanaya dalka koonfur afrika ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamada booliska dalkaas in ay gacanta ku dhigeen horjoogihii bucada dilalka ugeeysta muwaadiniinta soomaaliyeed eek u ganacsa dalka koonfur afrika
Waxaana la sheegay in ciidamada booliska ninkaan ay qabteen uu ahaa hogaaamiyaha kooxaha burcada ah ee dillalka ugeeystata ganacsatada soomaaliyeed ee Deegaanka Motherwell oo ka tiran Magaalada Port Elezapeth ee gudaha dalka koonfur afrika
Warar ayaa intaasi ku daraya in ciidamada booliska koofur afrika in ninkaan la sheegay in uu ahaa hogaamiyaha burcada koonfur afrika ee disha ganacsatada soomaaliyeed ay kusoo qabteen howlgalo ay sameeyeen ciidamku,Waxaana la tilmamay in ciidamada dowladda koonfur afrika ay in muddo ah ku raadjoogeen ninkaani la qabtay.
Qaar ka mid muwaadininta soomaaliyeed ee dalka koonfur afrika ku ganacsata ayaana waxa ay sheegeen in uu yahay aad looga garan ogyahy islamrkaasna uu can ku yahay dilal iyo hogaaminta burcada.
Qabashada nin la sheegay in uu yahay hoomiyaha kooxaha burcada ee dilal iyo dhaca ugeysta ganacsatada soomaaliyeed ayaa waxa ay imaaneysa xili mudooyinkii dambe ay kordheen weerara lagu qaadayo goobaha ganacsatada soomaaliyeed ee dalka koonfur afrika iyadoona ay xusid mudan tahay in halkaasi loogu geeysto ganacsatada soomaaliyeed qasaare kala duwan oo iskugu jirta dhimasho iyo dhaawac
Xalay ayeey aheyd markii muwaadinin soomaaliyeed oo ku sugnaa goobohooda ganacsi ay kooxaha burcad koonfur afrikaan ah ay dil iyo dhaawac ugeeysteen wiillal soomaaliyed

