Howlgalo Lagu Dilay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Laga Fuliyay Shabeelaha Dhexe

0

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab ayaa degaano hoosyimaado degmooyinka jowhar iyo mahadaay ee gobolka shabeelaha dhexe ay ka fulliyeen  howlgalo lagu beegsanayay xurumo ay ku sunaayeen  xubno ka tirsan dagaalamyaasha al-shabaab.

Warkasoo baxay dowladda ayaa waxa lagu sheegay in Howlgaladaan  24-saac ee ugu dambeeyay  ay ciidanka dowladdu  ka sameeyeen degaanada buur-kaama-bareeyo, warciise, qoor-dheere, deylibale, daba-gaab, kuwaasi oo hoosyimaada magaalada jowhar ee caasimada Maamulka hirshabeele.

ururka 7-aad guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ee danab oo howlgalka sameeynaya ayaa waxa la sheegay in howlgakaan inta uu socday ay ku dileen xubno ka tirsanaa  al-shabaab

Warkasoo baxay dowldda ayaa lagu sheegay in howlgalkaan ay ku dileen 13 xubnood oo al-shabaab ah sidookale waxa ay sheegeen in ay  kusoo furteen hub iyo saanadkale oo ciidan iyagoona sheegay in nolosha ay kusoo qabtay sadax xubnood oo kale oo ka tirsanaa dagaalamayasha al-shabaab sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Odowa Yuusuf Raage.

Taliyaha ayaa tilmaamay in howlgalka inta uu socday guulo dhowr ah ka gaareen  islamarkaasna xubno ka tirsan dagaalamayaasha  al-shabaab qasaare xoogan lagu gaarsiiyay.

Jeneraal Odowa ayaa intaasi kudaray in ujeedka howlgalka in uu yahay mid gobolka shabeelaha dhexe looga saarayo  xubno  ka tirsan dagaalamayaasha  al-shabaab.

Howlgalkaan ayaa waxa uu imaanayaa xili ciidmada dowladda iyo xubno ka tirsan al-shabaab ay mudooyinkii dambe ku dagaalamayeen deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe kuwaasi oo labada dhinac ay guulo ka kala sheegteen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here