Shirka Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyadda iyo Gobolka banaadir oo furmay+Sawirro

0

Magaalada Dhuusa-mareeb waxaa maanta ka furmay shirka u dhaxeeya Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyadda iyo Gobolka banaadir.

Shirkaan oo uu guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Md. Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Denni, Madaxweynaha Jubbaland Md. Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Hirshabeelle Md. Cali Guudlawe, Madaxweynaha Koofur Galbeed Md. Cabdicasiis Laftagareen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdishu Md. Cumar Maxamuud Filish.

Shirkaan ayaa looga arrinsanayaa xalinta tabashooyinkii la xiriiray Hanaanka Doorashada qaranka ee lagu heshiiyay 17kii September 2020.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here