Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyey James Swan oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Hawlagalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Madaxweyne kuxigeenka ayaa qaybta nasashada ee garoonka Kismaayo ku qaabilay Wafdiga uu hogaaminayo James Swan, iyadoona soo dhaweeynta kadib uu wafdiga aqalka Madaxtooyada Jubbaland uu kula kulmi doono Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.
ergayga gaar ka ah ee qaramada midoobe ee soomaaliya james swan ayaa waxa uu mudooyinkii dambe wadaday dadaalo lagu xalinayo arimaha khilaafka ah ee hareeyay doorashooyinka dalka
waxaana uu socdaal ku tagay inta badan caimadaha dowlad goboleeedyada dalka isagoo kala lahadlayay sidii isu tanaasul iyo heshiisiin loo sameyn lahaa
maanta ayuuna socdaalkiisa waxa uu ku tagay magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubbada Hoose isagoo halkaasi kulamo kala duwan kulan qaadan doona masuuliyiinta maamulka jubbaland

