Dowladda Oo Sheegtay in Howlgalo Ay Ku Dileen Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab

0

warkasoo baxaya saraakiisha ciidanka dowladda faderaalka soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in howlgalo iyo dagaal toos ah oo ay la galeen al-shabaab ay ku dileen xubno iyo saraakiil ka tirsan al-shabaab

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay taageerayaan kuwa maamulka koonfur galbeed ayaa waxa lagu soo waramayaa in howlgalo qorsheysan oo ay ciidanka dowladdu  sameeyeen lagu dilay maalin ka hor Shan xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, ka dib howlgal ka dhacay duleedka Magaalada Diinsoor ee gobolka Baay.

Ibraahim Aaden Cali, oo ka tirsan saraakiisha hoggaamineysay howl-galka ayaa waxa uu sheegay in ciidamadu ay beegsadeen goob ay dagaalamayaasha al-shabaab ka qorsheyneysay weerar ka dhan ah ciidamada Dowladda.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka oo ahaa mid culus ay sidoo kale ku dileen laba horjooge oo ka tirsanaa Argagixisada, wuxuuna intaa raaciyay in ay ku raad-joogaan haraadiga iyo firxadka Al-Shabaab.

ciidamada dowladda iyo maamulka koonfur galbeed ayaa waxa ay saacadiihii aan soo dhaafnay wadeen howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha al-shabaab

iyadoona ay xusid mudantahay in deegano ka tirsan gobolka bakool  howlgalo ka dhacay ay guulo ka sheegtay labada dhinac

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here