warar kala duwan ayaa laga helayaa dil qof shacab ah loogu geeystay gudaha magaalada galinsoor ee gobolka galgaduud
rag hubeysan ayaa waxa wararku ay sheegayaan in xalay nin shacab ah ay ku dileen magalaada galinsoor iyagoona la sheegay in dilka kadib ay goobta iskaga baxsadeen
ninka la dilay ayaa waxa lagu magacaabi jiray Maxamed Ciise lugeey waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa gadiidleeyda gobolka galgaduud aadka looga garan ogyahay
lama oga sababta rasmiga ah ee loo dilay ninkani ka mid ahaa dadka deegaanka balse wararku qaar ay sheegayaan in dilkaani uu la xariiro aanooyin qabiil
ciidamada dowladda ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay iyadoo la sheegay in halkaasi ay ka qadeen meydka
inta badan deegaanada dhaca gobolka galgaduud ayaa waxa ka dhaca falal amni daro ah oo ay ka mid tahay dilal qorsheysan kuwaasi oo la xariira aanooyin qabiil
dagaal beeleedyada udhexeya beelaha wallalaha ah ee wadaga gobolka galgaduud ayaa ah mid soo noqnoqota mana jirto wax go,aan ah oo maamul ama dowlad ay ka gaartay falalkaasi ka dhacaya gobolka gagaduud ee la xariira aanooyinka qabiil
kaliya dadka deegaanada galgaduud saameyn kuma yeesho dagaal beeleeedku balse waxa jira dad shacab ah oo safar ah in lagu waxyeeleeyo islamarkaasna iyagoo iska socda rasaas lagu furo..

