Madaxweynaha Hirshabeele Oo Dib Ugu Laabtay Magaalada Jowhar

0

wafdi balaaran oo hogaaminaayo madaxweynaha maamulka hirshabeele ayaa  waxa ay maanta gaareen magaalada jowhar ee caasimada dowlad goboleedka hirshabeele

madaxweynaha hirshabeele cali guudlaawe oo in muddo ah ku sugnaaa gudaha magaalada muqdisho ayaa waxa uu dib ugu laabtay jowhar

waxaana wararku ay sheegayaan in madaxweynaha hirshabeele uu kulamo kla duwan la qaatay masuuliyiin ka tirsan dowladda faderaalka soomaali oo uu kala hadlayay arimo ku saabsan doorashooyinka iyo xaalada deegaanada maamulka hirshabeele iyo sidii loo xalin lahaa xiisadaha ka jira deegaanada hirshabeele

dhankale  Magaalada Jowhar waxa kaloo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan, oo ay wehliyaan wakiillo ka socda Hay’adda Beeraha iyo Cunnada ee FAO iyo Madaxa Booliska UNSOM,

waxaan ay kulamo la qaateen  Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Xuseen Guudlaawe iyo golahiisa wasiirradda, iyagoo kala hadlay taageerada Qaramada Midoobay ee Hirshabeelle, taas oo dhinacyo badan leh.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here