Faahfaahino:- Weerar Khasaaro Sababay Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka Tirsan Koonfur Galbeed

0

wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay ksuoo waramayaan in weerar khasaare kala duwan dhaliyay uu ka dhcay degmada walaaweyn iyadoona weerarkaasi lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta maamulka koonfur galbeed soomaaliya

weerar bamba gacmeed ah ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay lagu qaaday barkoontarool oo ciidamada ka tirsan kuwa maamulka koonfur galbeed
waxaana weerarkaan la sheegay in uu si gaar ah uga dhacay degmada walaweyn gaar ahaana wadada aada magaalada bedhabo ee xarunta ku meel gaar ah ee maamulka koonfur galbeed soomaaliya

ila wareedyo ku sugan gudaha degmada walaweyn ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ay maqlayeen jug culus iyo dhaqa rasaas oo xigtay iyadoona laso sheegay in weerar bamgacmeed ah uu ka dhashay qasaare kala duwan oo u badnaa dhaawacyo
warar aan ka helayno halka uu weerarku ka dhacay ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ilaa iyo 5 askari ay ku dhaawacmeen ee weerarkii ka dhacay bar koontarool oo ku taal degmada walaweyn ee gobolka shabeelaha hoose
waxaana la sheegay in dhaawacyadaan ay soo gaareen ciidamadii ka tirsanaa kuwa maamulka koonfur galbeed ee weerarka lagu qaaday
wararka ayaa intaas ku daraya in dhaawacyada loo qaaday qaar ka mid ah isbitaalada waaweyne ee ku yaal degmada walaweyne ee gobolka shabbeelaha hoose

majirto cid ilaa iyo hada sheegatay masuuliyada weerarkaan ka dhacay degmada walaweyn sidookale wax war ah oo kasoo baxay maamulka koonfur galbeed majiro oo looga hadlayo weerarkaani

saakay xaalada degmada walaweyn ayaa waxa la soo sheegyaa in ay degantahay kadib weerarkii xalay iyadoona ciidamada maamulka koonfur galbeed la sheegay in halkaasi ay kawadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan

waxaan xusid mudan in sanadkii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen weeraro dilal qorsheysan iyo qaraxyo kuwaasi oo salka ku haya aanooyin qabiil dagaalo al-shabaab iyo ciidamada dowladda
inta badana waxa ay khasaaro kasoo gaartaa dadka shacab ka ah ee ku dhaqan degmada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here