Dowladda Soomaaliya Oo Ciidankii lagu qabtay Dagaalkii Balad Xaawo U Wareejisay Goob Kale

0

wararka an ka helayno deegaano ka tirsan gobolka gedo ayaa waxa ay kusoo waramayaan in Dowladda Faderaalka soomaaliya ay meekale u wareejisay ciidamada lagu soo qabtay dagaalka ka dhacay magaalada balad xaawo ee gobolka gedo

maalmo ka hor ciidamada dowladda iyo jabhad hubeysan oo ka tirsan maamulka jubbaland ayaa waxa ay ku dagaalameen magaalada balad xaawo ee gobolka gedo halkaasi oo la sheegay in lagu soo qabtay ciidamo badan oo jabhadaasi ka tirsan

dowladda soomaaliya ayaa waxa la sheegay in ciidanka la qabtay ay u qaaday dhanka degmada deeloow ee isla gobolka gedo iyadoona lasoo sheegayo in ciidamadani la qabtay la geenayo xera ciidan oo ku taal degmada dooloow gaar ahaana deegaanka buunda garas

dowladda soomaaliya wali wax faahfaahin ah kama bixin sida rasmiga ah ee laga ee laya ciidamada farahabadan ee lagu soo qabtay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada balad xaawo ee gobolka gedo

waxaana wararku qaar ay sheegayaan in ciidamadani loo diyaariyay xeryo lagu xareynayo kuwaasi oo lafilayo in ay ku booqdaan masuuliyiin ka tirsan dowladda faderaalka soomaaliya

dowladda soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in dagaalkii ka dhacay magaalada balad xaawo ay kusoo qabteen ku dhawaad ilaa iyo 100 maxbuus oo ciidan ah kuwaas oo ka tirsanaa habhadii hubeysneyd ee la dagaalantay ciidanka dowladda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here