Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xirey qaar kamid ah wadooyinka magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Wadooyinka xiran ayaa u badan kuwa woqooyi ee Magaaladda muqdisho,gaar ahaan laga bilaabo Isgoyska Taalada Daljirka Daahsoon ilaa Isgoyska kale ee Maana Booliyo.
Sababaha wadooyinkaas loo xirey ayaa lagu sheegay Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni oo maanta tagaya xarunta Golaha aqalka Sare.
Kulan ayaa lagu wadaa maanta 11:00 Barqanimo inuu ka qabsoomo xarunta Aqalka Sare, waxaana kulankaasi looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka sida qaar ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ay xaqiijiyeen.

