HSM,Saciid Deni iyo Siyaasiyiin Kale oo Muqdisho ku Kulmay

0

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxda Xisbiyada Qaran, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aaden iyo Wafdiga Madaxweynaha oo ka koobnaa Wasiiro, Xildhibaano, La taliyeyaal iyo Saraakiil Madaxtooyo.

kulanka ayaa la isku xog wareystay xaalada guud ee dalka iyo arimaha doorashooyinka ee taagan.

Xubnahan ayaa isla gartay shirka caawa Madaxweyne Farmaajo ay la qaadanayaan Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland inay ka yeeshaan aragti mideysan oo ku saleysan nooca doorashada ee dalka ka dhaceyso.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here