Cumar Filish:-“Qaadista Dhagaxaanta aan Balanqaaday Wey Suurta Gali Weyday”,!

0

Munaasabadd lagu Maamusayay hal sano guuradii kasoo Wareegatay Markii uu xilka la wareegay  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xalay lagu qabtay Xarunta dhalinuarada ee Gobolka Banaadir Munasabadaan ayaa Waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaano Wasiiro Madaxda Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Marti sharaf kale.

Gudoomiyaha MaamulKa Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa sheegay muddadii sanadka aheyd ee xulka hayay waxyaabo badan u qabsoomeen,kuwa kalana uu wali qorshahaha ugu jiraan.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ku guuldareystay balanqaadkiisa ahaa in la furi doono wadooyinka xiran ee Magaaladda muqdisho.

Waxa uu sheegay in amniga Magaalada oo liita, iyo si loogu hortago qaraxyadda Al-shabaab ay fuliyaan uu doorbiday in ay sii xirnaadan wadooyinka Magaaladda Muqdisho.

“Habeenkii aan xilka la wareegayay 29-kii Agoosto 2019, shacabka waxa ay doonayeen qaadista dhagaxaanta, waxyaabihii aan ballanqaaday ayay qayb ka ahayd, balse way noo suurageli waysay caqabadah amni darteed” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here