Al-shabaab oo Weerar Qaraxyo ku Bilowday ku Qaaday Degaanka Barsanguuni

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in deegaano ka tirsan gobolkaasi gaar ahaana degaanka barsanguuni uu barqanimadii maanta uu ka dhacay dagaal xoogan oo dhexeeyey ciidamada dowlada iyo dagaalamayaal ka tirsan al shabaab.

Dagaalkaan ayaa waxa la sheegay in uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayasha al shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo iyo dagaal toos ah ku qadeen fariisimo ciidamadda dowladda iyo kuwa amisom ku lahaayeen deegaanka Barsan-guuni ee gobolka jubada hoose.

Wararka aanu ka helayno deegaanka uu maanta dagaalku ka dhacay ayaa Sheegaya in dagaalkan uu ka dhashay Khasaare kala duwan islamarkaasna aan si rasmi ah loo xaqiijin karin qasaaraha ka dhashay weerar qorsheysan oo dagaalamayasha al shabab xubno karltirsan ay ku qaadeen fariisimaha iyo ciidamadda nabad ilaalita ujooga ee amisom iyo kuwa dowlada ku lahayeen deegaanka barsanguuni.

Afhayeenka maamulka jubaland cabdi nuur cabdulahi ibrahim ayaa idaacada simba u xaqiijiyay in jubaland ay fashiliyeen qaraxayo al shabab ay ku duugeen tuulooyin hoose yimada degaanka barsanguuni ee gobolka jubada hoose.

Waxaana uu sheegay in ciidamada dowladu ay wadaan howlgalo balaaran islamarkaasna waxa uu sheegay in howlgalada socda ay faahfaahino ka soo bixin doonan

Afhayeenka ayaana dhankale beeniyay in khasaaro ciidamada dowlada lagu gaarsiyay weerarkii qaraxyada iyo dagaalka iskugu jiray ee ka dhacay deegaanka barsanguuni.

Dagaalamayasha Al shabaab ayaa dhankooda sheegay in weerarkii ay ku qaadeen ciidamo cadaan ah oo tababar loogu sameeyay deegaanka bar sanguuni.

Sidoo kale waxa ay ay sheegeen in weerarkaan uu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac walow aysan si rasmi ah uu shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaan xoogan ee saakay ka dhacay deeganka barsanguuni

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here