Koonfur Galbeed oo Soo Bandhigtay Sarkaal Shabaab Kasoo Goystay

0

Ciidamadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Degmadda Qansaxdheere ee gobolka Baay waxa ay kusoo bandhigeen sarkaal ay sheegeen in uu kasoo goystay dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maxamed Cabdi Xasan ku soo bandhigay Degmada Qansaxdheere, ka dib markii uu isu soo dhiibay.

Saraakiisha waxa ay sheegeen in Maxamed uu xiriiro lasoo sameeyay Maamulka iyo Saraakiisha koonfur Galbeed Soomaaliya,islamarkaana laga aqbalay isa soo dhiibistiisa.

Maxamed Cabdi ayaa ka hawlgeli jiray deegaanada hoos yimaada Qansaxdheere ee Gobolka Baay,wuxuuna watay Qori Ak47 iyo booshkiisa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here