Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Waxa ay Magaaladda Muqdisho ku dileen nin Nabadoon ahaa oo si weyn loogu yaqaanay Deeganadda Maamulka Hir-shabeelle.
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Siliga Ameerikaanka Degmadda Wadajir ee Gobolka banaadir.
Kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay Nin nabadoon ahaa oo goob ganacsi halkaas ku lahaa.
Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Cali Maxamed Cusmaan,waxaana saakay lagu wadaa in lagu aaso Magaaladda Muqdisho.
Ilaa haatan lama oga sababta loo dilay Nabadoonka,iyo cida ka dambeysay.

