Madaxweynaha Galmudug oo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ka ambaqaadaya Ballanqaadkiisa ahaa  dhisidda Hay’ad Garsoor oo Tayo leh, ayaa Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Galmudug oo ah hay’adda ugu sareysa laamaha Garsoorka,  waxaana loo magacaabay Cabdullahi Maxamuud Gacal.

Guddoomiyaha Barlamaanka DGM Mudane Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa isla goobta ku dhaariyay Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare.

Dhankale xildhibaan axmed maxamed oo simba la hadlay ayaa sheegay in magacaabistaan baahiweyn loo qabay islamarkaaasna ay dhibaatooyinka ay ka jireyn dhanka garsoorka

Waxaana uu sheegay in magacaabista gudoomiyaha maxkamada sare galmudug ay soodhaweynayaan isagoo tilmaamay in madaxweynuhu magacaabay xiligii loo bahnaa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here