Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dagaalyahanadda Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen saldhigyo ay ciidamadDa Itoobiya iyo Kuwa dowladda ay ku leeyihiin gobolka Hiiraan.
Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday xerada Lamagalaay oo ay ku sugnaayeen Ciidamo katirsan Kuwa dowladda Federaalka.
Labadda dhinac ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Dhinaca kale weerar xooggan ayuu xalay saqdii dhexe lakulmay saldhigga ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Halgan ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Dadka Deegaanka ayaa sheegay in weerar ku bilowday madaafiic lagu qaaday ciidamadda Itoobiya kadibna waxaa xigay iska hor’imaadyo fool ka fool ah.

