Sanator Ka Tirsan Aqalka Sare oo Ka Hadlay Hadalkii Safiirka Mareykanka+Dhageyso

0

Sanator ka tirsan xildhibaanadda Golaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul kaga hadlay hadalkii kasoo baxay xalay  Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya kaasi oo ahaa in Maamuladda ka maqan shirka Magaaladda Dhuusa-mareeb ay yihiin Qaswadayaal.

Sanator Axmed Macalin Nadiir oo kamid ah Sanatadda Golaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba, ayaa sheegay in hadalka kasoo yeeray safiirka uu yahay mid aad looga xumaado loona baahan yahay in raagligalin uu ka bixiyo.

Dhanka kale waxa uu sheegay in Maamuladda Puntland iyo Jubbland ee shirka ka maqnaa ay ay leeyihiin go’aankooda balse aan loo baahneen in loo gafo.

Dhanka kale Sanator Axmed Macalin Nadiir ayaa soo dhaweeyay go’aanadii kasoo baxay shirkii magaaladda Dhuusa-mareeb ee lagu shaaciyay qaabka ay noqonayso doorashadda Soomaaliya ka dhacaysa.

Dowladda Mareykanka oo horay u sheegtay inay aad uga war dhowreyso waxa kasoo bixi doona shirka Dhusamareeb 3 ayaa war kooban oo lagu daabacay bogga Twiter ee safaaradda Mareykanka ee Muqdisho waxaa lagu sheegay in Mareykanka uu ka shaqeeyay sidii aragti loo dhan yahay loo geyn lahaa wadahadalada Dhusamareeb.

Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in aanay caawin karin kuwa ka maqan shirka.

Dad uu ku tilmaamay inay yihiin qaswadayaal ragaadinaya ka qeybgalka shirka ayuu Mareykanka sheegay inay ku gorgortamayan dimquraadiyadda iyagoo eeganaya damacooda gaarka ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here